Waaberi Community Development Association

Wel come to our official home page
Xaflad lagu soo gabagabaynayey tartankii EUROSOM 2005

Waxaa xalay lagu qabtay hoolka xafladaha ee Selby Centre ee ku yaala xaafadda Tottenham ee waqooyiga London xaflad si aad ah loo soo agaasimay laguna soo gabagabaynayey tartankii cayaaraha kubadda cagta iyo kuwa fudud ee EUROSOM 2005 oo sanadkan lagu qabtay waqooyiga magaalada London.

Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan cayaartoydii koxihii ayagu ka qaybgalay tartanka, macalimiintii, dadwaynaha xaafadda Tottenham, martisharaf isugu jirtay cayaartoydii hore iyo odayaasha magaalda iyo waliba fanaaniin caan ka ah dalkan ingiriiska ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo isugu jiray wacyigelin, dardaaran iyo suugaan ay dadwaynihii iyo dhalinyaradii halkaasi ku sugnayd ay si aad ah uga heleen.

Furitaankii xafladda oo uu ka hadlay xoghyaha ururka Eurosom oo asagu xiriirinayey xafladdan mudane Maxamuud C/maan Muuse "Shujaac" ayaa ka hadlay mawqifkii tartankan iyo xiliyadii kala gedisanaaee uu soo maray, wuxuuna amaan iyo mahadnaq aan la soo koobi karin u soo jeediyey ururadii martigeliyey tartankan oo uu sheegay in ay dhalinyarada iyo maamuladoodaba ugu hagarbaxeen si aan la soo koobi karin, asagoo intaasi ka dibna ku soo dhaweeyey guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ee tartankan mudane Maxamed Xuseen "Loo Loow".

Maxamed Xuseen ayaa asagoo ku hadlaaya magaca ururdii martida loo ahaa uga mahadceliyey martisharaftii ka kala timid dalalka kale dulqaadkoodii iyo sidii soomaalinimada, cayaaryahanimada iyo kalsoonida lahayd ee ay ula sqeeyeen mudadii ay martida u ahaayeen asagoo sidoo kalena mid mid ugu mahadceliyey dhamaan dadkii ayagu gacanta ka gaystay in uu tartankii Eurosom 2005 ku dhamaado guul iyo farxad.

Waxaa asaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka Eurosom mudane Maxamed Diini oo sidoo kale u mahadceliyey reer London iyo maamulada ururadii martida loo ahaa asago sidoo kalena dhalinyarada kula dardaarmay in aysan isbarashadooda iyo asxaabtinimadoodu halkan ku ekaan ee ay joogteeyaan xiriirkooda si buu yiri looga miradhaliyo hadafkii laga lahaa kulanka.

Xafladdan oo xalay si aad ah loola dhacsanaa ayaa waxaa asaguna hadalo gaagaaban ka soo jeediyey guddoomiye ku xigeenka GOS isla markaana ka mid ah guddiga qabanqaabada wuxuuna dhalinyaradan ku guubaabiyey in ay hadafkooda cayaaraha halkooda ka sii wadaan isla markaana xusuusiyey baahida dalkoodu u qabo cayaartoy difaacda.

Waxaa sidoo kale xafladdaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka Somali Concern Group mudane Inj C/Raxmaan Yariisow, Cawaale Cali Kulane, Marwaan C/Raxmaan Muuse iyo akyaar kale oo aana halkan ku soo koobi karin.

Waxaa ayaguna halkaasi heeso wadani iyo jacaylba isugu jira ku madadaalinayey martidii xalay fanaaniin aad looga yaqaan dalkan uuna ugu horeeyey fanaanka da`da yar isla markaana cayaartoy kubadda cagta ah ahaan jiray C/Xakiin Ciise Farayare, C/Nuur Saalax Jaaz, Yuusuf Jeego iyo kuwa kale ayagoo dhalintii xalay halkaasi fadhisay oo ayagu u badnaa kuwa aan sidaas u dhagaysan heeso soomaali ah jeclaysiiyey dhaqankooda iyo heesaha dadkoodaba.

Waxaa isla xafladdaasi xalay lagu guddoonsiiyey bilado iyo shahaado sharafyo badan dadkii gacanta ka gaystay mudadii uu socday tartankan oo aan jeclahay in aan ugu hormarsiiyo macalin kubadda cagta dakeenii hooyo ka ahaan jiray, macalin ka ahaa jaamacaddii dalkeena sidoo kalena wali u taagan horumarinta dhalinyarada iyo cayaaraha soomaaliyeed macalin Prof Muuse Naasir oo asagu tartankan uga yimid dalka Canada oo halkaasi lagu guddoonsiiyey shahaado sharaf iyo bilad aad u qurux badnayd runtiina ay guddiga qabanqaabadu caddeeyeen inmacalinka la`aantiis aan wax badan u hagaageen, waxaa ayaguna sidoo kale aan ka harin macalin Muuse laba garsoore oo saamaaliyeed oo ayagu hubiyey in aan wax qalad ah oo sharciyada cayaaraha ah uusan ka dhicin tartankan isla markaana gacan wayn siiyey garsoorayaashii iyo guddigii qabanqaabadaba oo kala ah garsoore Muriidi iyo garsoore Sabriye.

Biladihii xalay oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii loogu gartay waxqabadkooda warfidiyeeno oo ugu horeeyey tifatiraha shabakadan cayaaraha mudane Maxamuud Ismaaciil, wariye Ikraam Cali Kaar oo ayadu ah gabadha kaliya ee soomaaliyeed ee wax ka qorta cayaaraha si joogta tartankana uga soo safartay dalka Sweden iyo Nuuraddiin Eebow.

Waxaa sidoo kale xafladdaasi looga aqoonsaday waxqabadkoodii laguna guddoonsiiyey bilado iyo shahaadooyin dhalinyaradii shaqada xooga leh ka waday garoonka oo uu ugu horeeyey Marwaan iyo dad ayagu magac wayn ku leh horumarinta cayaaraha iyo dhalinyarada reer London oo kala xidiigii hore ee Batroolka mudane Maxamed Axmed Daysane, Maxamed Buuwe iyo Cumar Shangaani. Sidoo kale waxaa ayagu bilado lagu guddoonsiiyey halkaasi macalinkii hore ee xulka kubadda tenniska dheer ee dalkeena mudane Sacad Cumar Geeddi, Xiddigii hore ee naadigii Somalitex mudane Aaden Oor iyo Macalin Bashiir Cabdi Daahir, Macalin Xasan Muuse, Maxamuud Axmed Nuur "Kaaji", Sharaf, Loo Loow, C/Xakiin Farayare, Video Siyar, dhalinyaradii ku guulaysatay cayaarihii fududaa, iyo akhyaar badan oo aana halkn ku soo koobi karin.

Intaasi ka bacdi ayaa waxaa ayagana halkaasi lagu guddoonsiiyey biladihii ay ku kala guulaysteen cayaaryahanadii ayagu ka qaybgalay koobkii Eurosom isla markaana koobkii tartankan gabagabadii lagu guddoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay koobkan ee NORWAY iyo macalinkooda Macalin Xasan Muuse.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale loo gartay macalinkii ugu wanaagsanaa tartankan macalin Rabiic C/Raxmaan Muuse oo ah macalinka ugu da`yaraa macalimiintii ka soo qaybgashay tartankan isla markaana sanadkii labaad ku guulaystay biladdan.

Gabagabadii ayaa halkaasi lagu qaaday heeskii SOOMAALIYEEY TOOSOO oo dadkii ka wada ilmaysiiyey sidaasina lagu soo gabagabeeyey xafladdii iyo tartankii Eurosom 2005 ayadoo sanadka soo socdana la go`aamiyey in uu tartankan ka dhaco magaalada Oslo ee dalka Norway. Waxaa isla xafladdaasi xalay lagu guddoonsiiyey bilado iyo shahaado sharafyo badan dadkii gacanta ka gaystay mudadii uu socday tartankan oo aan jeclahay in aan ugu hormarsiiyo macalin kubadda cagta dakeenii hooyo ka ahaan jiray, macalin ka ahaa jaamacaddii dalkeena sidoo kalena wali u taagan horumarinta dhalinyarada iyo cayaaraha soomaaliyeed macalin Prof Muuse Naasir oo asagu tartankan uga yimid dalka Canada oo halkaasi lagu guddoonsiiyey shahaado sharaf iyo bilad aad u qurux badnayd runtiina ay guddiga qabanqaabadu caddeeyeen inmacalinka la`aantiis aan wax badan u hagaageen, waxaa ayaguna sidoo kale aan ka harin macalin Muuse laba garsoore oo saamaaliyeed oo ayagu hubiyey in aan wax qalad ah oo sharciyada cayaaraha ah uusan ka dhicin tartankan isla markaana gacan wayn siiyey garsoorayaashii iyo guddigii qabanqaabadaba oo kala ah garsoore Muriidi iyo garsoore Sabriye.

Biladihii xalay oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii loogu gartay waxqabadkooda warfidiyeeno oo ugu horeeyey tifatiraha shabakadan cayaaraha mudane Maxamuud Ismaaciil, wariye Ikraam Cali Kaar oo ayadu ah gabadha kaliya ee soomaaliyeed ee wax ka qorta cayaaraha si joogta tartankana uga soo safartay dalka Sweden iyo Nuuraddiin Eebow.

Waxaa sidoo kale xafladdaasi looga aqoonsaday waxqabadkoodii laguna guddoonsiiyey bilado iyo shahaadooyin dhalinyaradii shaqada xooga leh ka waday garoonka oo uu ugu horeeyey Marwaan iyo dad ayagu magac wayn ku leh horumarinta cayaaraha iyo dhalinyarada reer London oo kala xidiigii hore ee Batroolka mudane Maxamed Axmed Daysane, Maxamed Buuwe iyo Cumar Shangaani. Sidoo kale waxaa ayagu bilado lagu guddoonsiiyey halkaasi macalinkii hore ee xulka kubadda tenniska dheer ee dalkeena mudane Sacad Cumar Geeddi, Xiddigii hore ee naadigii Somalitex mudane Aaden Oor iyo Macalin Bashiir Cabdi Daahir, Macalin Xasan Muuse, Maxamuud Axmed Nuur "Kaaji", Sharaf, Loo Loow, C/Xakiin Farayare, Video Siyar, dhalinyaradii ku guulaysatay cayaarihii fududaa, iyo akhyaar badan oo aana halkn ku soo koobi karin.

Intaasi ka bacdi ayaa waxaa ayagana halkaasi lagu guddoonsiiyey biladihii ay ku kala guulaysteen cayaaryahanadii ayagu ka qaybgalay koobkii Eurosom isla markaana koobkii tartankan gabagabadii lagu guddoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay koobkan ee NORWAY iyo macalinkooda Macalin Xasan Muuse.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale loo gartay macalinkii ugu wanaagsanaa tartankan macalin Rabiic C/Raxmaan Muuse oo ah macalinka ugu da`yaraa macalimiintii ka soo qaybgashay tartankan isla markaana sanadkii labaad ku guulaystay biladdan.

Gabagabadii ayaa halkaasi lagu qaaday heeskii SOOMAALIYEEY TOOSOO oo dadkii ka wada ilmaysiiyey sidaasina lagu soo gabagabeeyey xafladdii iyo tartankii Eurosom 2005 ayadoo sanadka soo socdana la go`aamiyey in uu tartankan ka dhaco magaalada Oslo ee dalka Norway.